Heemaal News Network
Soomaaliya

Mudug: Dhimash Iyo Dhaawac Ka Dhashay Xaflad Aroos Oo Rasaas Lagu Furay

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof hubeysan uu rasaas ku furay xaflad aroos deegaanka lagu magacaabo Lulubsho oo ka tirsan degmda Hobyo.

Hal qof ayaaa ku dhintay rasaastan waxaa kale oo ku dhaawacmay tiro dad ah oo loo qaaday magaalada Gaalkacyo si loogu daaweeyo.

Ninka falkan gaystay ayaa baxsaday waxaana ku raad jooga oday dhaqameedka dagaanka.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dadka deegaanka oo aan ilaa iyo hadda garan sababta uu qofka hubeysan u weeraray xaflad oo aheyd oo kaliya munasabad aroos.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More