Heemaal News Network
somali

Muqdisho:-Gabar 11 Jir la La’aa Maalmo Oo Maanta Meydkeeda Laga Dhex-Helay Digsi Lagu Riday.

Nafisa Cumar Geelle oo ahayd gabadh 11 jir ayaa maanta maydkeeda laga helay iyada oo ku dhex jirta Digsi weyn oo dhexyaalay qolka ay ku noolayd oo kuyaala xaafad kamid ah magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo la waysanaa muddo labo cishe ah, ayaa qoyskeeda waxay sheegeen in helay kadib markii la dareemay ur kasoo baxayay qolka ay ku noolayd. Kadibna waxaa laga helay iyada oo xir xiran oo digsiga dhextaala.

Lama garanayo sababta loo dilay. Waxaase laga shakisan yahay inuu jiro kufsi ka horeeyay dilkeeda sida ay sheegeen booliiska gacanta ku haya kiiskan.

Tiro dhowr qof ah ayaa kiiskaan loo xiray, kuwaas oo qeyb kamid ah ay yihiin wiilal dhaliyaro ah oo guriga la degnaa.

Qoyskeeda waxay sheegeen Nafisa Cumar Geelle in ay xilli habeen ah gurigeeda ka baxday, iyadoo dib dambena aan loo arag.

Waa dhaco ugub ah, waxayna cabsi iyo welwel ku abuurtay dadka xaafadda. Inkastoo dilalka iyo kufsiga carruurta lamidka ah Nafisa ay Soomaaliya kusoo badanayeen sanadihii ugu dambeeyay.

Related posts

Wasiirka Qorshaynta Somaliya Oo Shaaciyey inuu Deni Yahay Musharax Madaxweyne.

Heemaall

Booliska Somaliya Oo ka Warbixiyay Khasaaraha ka Dhashay Qaraxii Muqdisho.

Heemaall

Isaraaiil Oo Xalay Weerartay Gaza

Heemaal