Heemaal News Network
somali

Muqdisho:-Hooyo Iyo Carruurteeda Oo ku Dhintay Darbi kusoo Dumay

Qoys danyar ah oo kunoolaa kaam barakac oo kuyaala Jaamacada Shabelle ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kusoo dumay darbi adag oo ay uga ganbanayeen biyaha roobka .

Inta la xaqiijiyay darbigan soo dumay waxaa ku dhintay hooyo iyo shan caruur ah ay dhashay iyo cunug yar oo kale, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay dadkii kunoolaa goobta mashaqadaasi ka dhacday.

Darbigan soo dumay ayaa la sheegay in saameyn ku yeeshay roobka xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana qoyskan mashaqadu ka dhacday doonayeen in biyaha roobka ka galaan darbiga kusoo dumay .

Jimcihii ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen ilaa 9 caruur ah ay ku jiraan shan isku qoys ah, waxaana caruurtaasi dilay daad ka dhashay biyaha roobka oo -ku gadoomay guri ay degnaauyeen oo kuyaala xaafada Buulo Xuubey

Related posts

Qoraalka Mudo-kordhinta Farmaajo ah Oo Golaha Shacabka loo Qeybiyay (Akhriso Qoraalka)

Heemaall

Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Laashay Dhamaan Dacwadihii ay U Gudbiyeen Musharxiinta.(Akhriso)

Heemaall

Xukun Lagu Riday Ganacsato Keenay Muqdisho Kiimiko Laga Sameeyo Qaraxyada.

Heemaall