Heemaal News Network

Muqdisho: Qarax Lala Beegsaday Ciidamo Ka Tirsan AMISOM

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax saaka lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka masjidka Turkiga oo u dhow isgoyska Fagax oo kala qeybiya dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miinada la dhigay wadada dhinaceeda.

Ciidamada ayaa qaraxa kadib furay rasaas ay u rideen jiha kasta, waxaana la soo sheegayaa in khasaare soo gaaray dad shacab ah ay ka dhalatay rasaastaas.

Si gaar ah goobta uu qaraxaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Dabaqa-dhiiga, waxayna u dhawdahay masaajidka Turkiga oo dhanka waqooyi ka xiga isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas, hasa yeeshee wixii ka soo kordha kala soco

Related posts

Itoobiya Oo Shaacisay Inay Qabatay Somali ka Qeyb Qaadaneysay Dagaalka Gobolka Tigreega.

Heemaall

Farmaajo Oo Billado ku Maamuusay Masuuliyiintii ka Shaqeysay Dib U soo Celinta Maamulka Hawada

Heemaall

Wasiirkii Arimaha Dibeda Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday, Mid kale-na la Magacaabay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More