Muran ka Dhashay Billadda Ugu Sarreysa Dalka Liberia Oo la Gudonsiinayo Tababarahii Hore Ee Madaxweyne George Weah.

Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa sheegay inuu diyaar uu u yahay inuu abaalmarin uu guddoonsiinayo tababarahiisi hore Arsene Wenger, isaga oo sheegay billadda dalka ugu sarreysa inuu guddoonsiinayo taasina ay muran ka dhalisay dalkaasi Liberia.

Dadka qaar ayaa waxay sheegayaan inuusan Madaxweynaha shaqsi ahaantiisa waxa uu jecel yahay uu iska sameeyn oo uu bixin abalmarinta dalka ugu sarreysa.

Wenger waxaa loo diyariyey abaalmarinta dalka ugu sarreysa oo la siiyo shaqsiyaadka dalka wax weyn u qabta ee loo yaqaanno Knight Grand Commander, abalmarintaasi oo la filayo inuu Weah bixiyo Jimcaha horteenna.

Abaalmarintuna waxaa sida caadiga ah lagu muteystaa shaqooyinka ay shaqsiyaadka qabteen iyo bulsha weynta dalka sida ay uga markhaati kacaan wax qabadka shaqsigaasi.

Madaxweyne Weah, waa madaxweyna Afrikaan ah oo ugu horreeyey oo la guddoonsiiyey magaca Ciyaaryahanka Caalamka ee Sanadki 1998-kii, waxana xilligaasi tababara u ahaa Monaco oo u dhashay Faransiiska.

Wuxuuna Weah sheegay “inuu wenger sida ilmahiisa oo kale uu iisoo barbariyey”, wixii awoodda ilaahey ka sokeeyana Arsene waa qofka iigu qiimaha badnaa ee aan Yurub kula kulmo.

Wenger oo tababare 22 sana u ahaa kooxda Arsenal oo tababarnimada ka fadhiistay bishi May, wuxuu si wanaagsan uu u soo abbiyey ciyaartooy badan oo ka soo jeeda qaaraddan Africa.

© Heemaal News Netwok