Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay ku booqdeen hoygiisa.
Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xiranaayeen ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah ee la galay iyo Arrimo la xiriira doorashada dhaceysa oo lagu heshiin waayay.
Warar la helayo ayaa sheegaya in musharaxiinta ay Guddoomiye Mursal u sheegeen in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhammaaday muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa, uuna qaato kaalintiisa ku aadan xaaladda dalka, si uusan u dhicin firaaq dastuuri.
Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka biyo diiday dalab ah inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ee dalka, maadaama xalay uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay in wixii ka dambeeya 8 bishaan February 2021 aysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, kadib markii xalay uu ku ekaa muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ee afarta sanno.
Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhiso Golle Qaran oo KMG ah oo xubno ay ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada, Wakliilo ka socda Musharaxiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.