Heemaal News Network

Musharaxada Madaxweynaha Uganda Oo Dhaqaale La’aan Xoogan soo Foodsaartay.!!

Haweeney u sharaxan xilka Madaxweynaha dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay lasoo daristay dhaqaale la’aan , xili doorashada Madaxweyne ee dalkaasi lagu wado in ay dhacdo 14-ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2021.

Nancy Kalembe, oo ah haweeneyda kaliya ee isku soo taagtay xilka Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegtay in ay joojisay ololaheeda doorashada, waxa ayna cadeesay in ay lasoo daristay dhaqaale la’aan sidaasna u joojisay ololihii ay waday.

Haweeneydan oo la hadashay Telefishin kuyaala dalka Uganda ayaa caawinaad weediisay shacabka dalkaasi , waxa ayna xustay in wali u harsan yihiin degmooyin dhoor ah oo ololaheeda aysan gaarsiin balse dhaqaale la’aan xoogan hada lasoo daristay.

Waxa ay sheegtay Nancy Kalembe , in aysan isaga bixi doonin u tartamida xilka Madaxweynaha dalka Uganda, waxa ayna tilmaantay in dib u qaabeyn ku sameyn doonto olalaha doorashada xili waqtiga haray uu aad u yar yahay.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo talada dalkaasi haya mudo 30-sano ka badan ayaa mar kale u sharaxan qabashada xilkaasi, waxaana sanadkan la tartamaya 10-musharax uu ku jiro Fanaan dhalinyaro ah oo nafta keenay Madaxweynaha.

Related posts

Qarax Galaaftay Nolosha Dad Badan Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho

Heemaall

Siyaasiyiinta Mucaaridka Oo ka Hadlay Dibed-bax Weyn Ee Bari (Sawirro)

Heemaall

Borama:-Saylici Oo ka Qayb-galay Qalin-jabinta Dufcada 1aad Ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Adal.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More