Musharaxiinta Baarlaamlamaanka Ugand ka Qayliyay Qiimaha Loogu Tartamayo Kuraasta.

Musharrixiinta doorashada baarlamaanka Uganda ayaa la faray inay illaa Khamiista bixiyaan khidmadda lacageed ee murashaxnimadooda oo dhan $800, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka.

Si kastaba ha noqotee, qaar badan oo kamid ah murashixiinta u tartamaya dhinaca mucaaradka oo aan awood u lahayn dhaqaalahaan ayaa ku qasban inay xisbiyadooda taageero ka dalbadaan baraha bulshada.

Xisbiga mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Yoweri Museveni iyo xulafadiisa inay qaali ka dhigeen u tartamida kuraasta barlamaanka, taasoo ka dhigan in si fudud loo cuuryaamiyo mucaaradka.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha Uganda ayaa lagu wadaa inay dhacaan bilaha Janaayo ama Febraayo ee sanadka soo socda.

Xisbiga talada haya ee NRM wuxuu hadda heystaa ku dhowaad saddex-meelood laba tirada golayaasha barlamaanka ee ah 458 xubnood.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy