Heemaal News Network
somali

Musharaxiinta Oo ka Hadlay Kala Saarista Xubnaha Gudiyada Doorashada Ee Laga Cabanayay.(Akhriso)

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa War kasoo saaray qaabkii Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble u kala saareen xubnihii Guddiyada doorashooyinka ee cabashada laga soo gudbiyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa lagu soo dhaweeyay shaqada hordhaca ah oo ay qabteen Guddiga ee kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si looga saaro xubnaha shaqaalaha rayidka, saraakiisha ciidanka iyo xubnaha Khilaafka ka jiray.

Musharaxiinta ayaa Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee Xukuumadda ka dalbaday in si daah-furan u soo bandhigaan habraaca iyo hanaanka loo maray kala saarista xubnaha Guddiyada, si shaqada guddiga ay u noqoto mid keenta xal mira dhal ah.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka.

Halakan Hoos ka Akhriso:

Related posts

Xuutiyiinta Oo Xiray Askari ka Tirsanaa Oo si Arxan-daro ah U Dilay Wiilka Somali ah.

Heemaall

Somaliland Oo Ciidamo Dhex-dhigtay Maleesho Beeleed ku Dagaalamayay Gobolka Sool.

Heemaall

God Ku Dumay Shaqaale Dhuxul Qodayey

Heemaal