Heemaal News Network

Musharaxiinta Oo Qoraal ku Saabsan Mudaharaadkii ay ku Baaqeen U Gudbiyay Laamaha Amniga.

Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa sheegay iney qoraal ku saabsan banaanbaxooda jimcaha u gudbiyeen Wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliya.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxa Jimcada uu yahay mid nabdoon oo laga ilaalin doono rabsho laakiin ay helayaan wararka sheegaya in dowladda ay doonayso in ay carqaladeyso.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay hay’ddaha Ammaanka in aysan carqaladeyn Banaanbaxa, islamarkaana laga doonaayo in ay suggaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cijaar ayuu ugu baaqay in uu qaato kaalin dhexdhexaad ah oo lagu xaqiijinaayo Amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayuu sidoo kale ka dalbaday in uu ka taxadaro in ciidanka xoogga aysan ku milmin siyaasadda oo adeeg amni ay siyaan muwaadiniinta soo banaanbixi doona si loo xaqiijiyo ammaanka guud ah goobta banaanbaxa.

Related posts

Wasiir Hinda Gaani Oo Beenisay Inuu M/Biixi U Gacan-qaaday Intii Uuna Xilka ka Qaadin.

Heemaall

Madoobe Oo Dusha U Saaray Eeda Burburka Shirkii Madaxwyne Farmaajo

Heemaal

Wakiilka Qarramada Midoobey Ee Somaliya Oo Gaaray Kismaayo.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More