Heemaal News Network

Musharixiinta Madaxweynaha Oo Dalbaday in Xilka Laga Qaado Taliyaha Awooda Badan Ee NISA

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa War-muriyeedka ay soo saareen oo ay uga hadleen Arrimaha doorashooyinka waxaa kujira qodobo xasaasi ah oo ay kamid yihiin in uu xilka baneeyo taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qodobka 11aad oo kamid ah 18 qodob oo ay musharixiinta soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen In , iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay’adda NISA maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay’adda NISA.

Lama oga sida Madaxweyne farmaajo uu ka yeeli doonaan go’aanka ay Maanta soo saareen guddiyada doorashooyinka iyo dalbaka ah in uu xilka baneeyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Related posts

Banaanbax Looga soo Horjeedo Gabadh Jidh-dil Loogu Gaystay Boorama Oo ka Dhacay Burco.

Heemaall

Trump Oo Noqday Weeraro Uu U Qorsheeyey In Lagu Qaado Iran.

Heemaall

RW Rooble Oo Magacaabay Guddiga Doorashada Heer Federaal (Akhriso Magacyada)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More