Muusaa Gabyooyidhi: Walee Dawladnimaad Mulkiyey Lama Macaanaysto, Qofna Annigu Waad Mudan Tihiyo Mahadnaq Siin Maayo

Bal Mubaarik Post-iga dhigoo, Maxamadow share dheh.
Mareegaha Internetkana maanta soo galiya.
Meeqaamka gabaygaygu yahay mudanayaal geeya
Qoladiinan igu meersaneey, mariya facebook-ga
Marxabta iyo like-ta u huroo, iigu wada miisa.
Kommatiga iyo maashaa Alaahda iga macaaneeya.
Mudanah waxqabadiyo qarniga muuse dhaha weeye
Barigii muduufaanada aan wareegi jiray sheega
Habeenkaan miska u gurmaday daadku maray sheegay.