Heemaal News Network
somali

Muuse Biixi Oo Cadaadis kala kulmay Beesha Caalamka.(Sawiro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dawladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Amb. Aline Kuster Menager iyo wefti ay hoggaaminayso oo safar shaqo ku jooga Somaliland.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska , sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay  wada hadalada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee hakadku ku yimid sidii mar kale dib loogu bilaabu lahaa.

Wakiillo katirsan Beesha Caalamka oo tagay magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland kala hadlay arrimo ay ugu horeeyaan khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha iyo sidii waqtigii horey loogu heshiiyay loogu qaban lahaa.

Related posts

Midowga Yurub Oo Oggolaaday Tallaalka Carruurta Ee Pfizer-BioNTech.

Heemaall

Maxuu R/Wasaare Rooble kala Hadlay Murashixiinta Metalaya Somaliland.?

Heemaall

Xaalad Daran Oo soo wajahday Ciidamada Ukraine Ee la Dagaalamaya Ruushka.(Sawiro)

Heemaall