Heemaal News Network

Muuse Biixi Oo Hambalyo U Diray Biden Fal-celin la Yaab leh-na la Kulantay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxaan Hambalyaynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Karmala Harris.” ayuu yiri Muuse Biixi oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Somaliland ayuu sheegay iney tahay saaxiib la isku halleyn karo oo diyaar u ah inay Maraykanka kala shaqeyso xoojinta dimoqraadiyadda iyo amniga caalamka” ayuu raaciyey Muuse Biixi Cabdi.

Hase ahaatee shacab fara badan ayaa ka fal-celiyey qoraalkan kuwaasoo ereyo kulul ku weeraray Muuse Biixi.

Qaarkood ayaa soo qaatay sawir wareegayey baraha bulshada oo muujinaya ciyaaraha Gobollada Somaliland oo xili habeen ah lagu ifinayo feynuusta matarmakis-ka loo yaqaano, maadaama uusan leyr laheyn garoonka Hargeysa.

Shacabka qaarkood ayaa ku eedeeynayey maamulka Muuse Biixi inuu dadka ku mashquuliyo nabad aan horumar laheyn, iyagoo tusaale u soo qaadanayey garoomo ku yaalla Muqdisho oo ay sheegeen in si casri ah loo dhisay, xili amaan buuxa uusan ka jirin.

”Kuwan aad u hambalyeyneyso inaad jirtaba kuma oga ee sida ay dalkooda u dhisteen kaaga u dhiso” ayuu yiri mid ka mid ah akhristayaashii ka falcelinayey qoraalka Muuse Biixi.

Related posts

Dadkii Ugu Badnaa Ee ka Qaxay Dagaalka Itoobiya Oo Gaaray Xadka Sudan.(Sawiro)

Heemaall

Meydka Qof Ajnabi ah Oo Laga Helay Xeebaha Puntland.

Heemaall

Muslim Pro Oo Lagu Eedeeyey in Xogta Dadka Isticmaala Uu ka Iibiyey Ciidanka Mareykanka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More