Heemaal News Network

Muuse Biixi Oo la Kulmay Madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah k jooga Magaalada Nairobi ayaa maanta kulan la qaatay madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku qaabilay madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xubno kamid ah wafdiga la socda ee ka raacay Magaalada Hargeysa.

Mr Biixi iyo wefdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa Madaxweyne Uhuru kenyata waxaa ay kala hadleen Arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo dadrdar gelinta Ganacsiga.

Sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadooda qaadan doonto muddo sadex Cisho ah ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

Madaxtooyada Kenya oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in Maalinta berito oo talaado ah ay markale wada kulmi doonaan labada mas’uul si ay usii ambaqaadaan wada-hadallada u dhaxeeya.

Related posts

Gudoomiyaha Midowga Afrika Oo ku Booriyay Inay Heshiiyaan Somaliya iyo Kenya.

Heemaall

Iran Oo Xakun Dil ah ku Fulisay Wariye Lagu Eedeeyay Dad Kicin.

Heemaall

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamada Sawaaxilaga Ee Haysta NFD

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More