Heemaal News Network
somali

Muuse Suudi OO Ka Hadlay Xaalka Muqdisho Ee Maanta

Kulan ay yeesheen saraakiil, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu go’aamiyey in dalka uu u baahan yahay badbaado, sida uu sheegay taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka qeyb galay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Senator Muuse Suudi Yalaxow, oo hormuud u ahaa dagaalkii badbaado qaran ee lagu hor-istaagay isku daygii muddo kororsi ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay.

“Waxaan galabta kala soo sheekeystay Senetar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow (xafidahulah) xaalada dalku marayo iyo sida la isku samata-bixin lahaa. Waxaan wadaagnay qorshe iyo talooyin muhiim ah oo xiligooda lasoo bandhigi doono,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

“Kulanaka waxaa nala joogay ganacsato iyo saraakiil aad u muhiim ah oo aanan hada dooneyn in aan soo bandhigo sawiradooda iyo qorshahoodaba. Dalku in uu badbaado u baahanyahay hoosta ayaa la iskala xariiqay.”

Kulanka ayaa yimid ayada oo wararka ay sheegayaan in Midowga Murashaxiinta ay qorsheynayaan in ciidamada babdaado qaran mar kale lasoo geliyo Muqdisho, si loo joojiyo doorasho boobka dalka ka socda.

Tuuryare ayaa dhowaan loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#67, kaasi oo madaxweynaha Qoor Qoor uu u boobay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey

Related posts

Midowga Musharixiinta Oo War kasoo Saaray Arimaha Doorashada

Heemaall

Xil.Maydhane Oo ku Baaqay In Xilka Laga Qaado Mareeye Diiday In Borama Laga Dhiso Madaar.

Heemaall

Madaxtooyada Oo War kasoo Saartay Qaraxii lala Beegsaday Afhayeenka Xukuumadda

Heemaall