Heemaal News Network
somali

Muuse Wuxuu Qabaa “Dyslexia” Sidii Hitlar, Somaliland-na Wuu U Digayaa

Maamulka Somaliland waxaa ka aloosan xasarad is mari waa, oo salka ku haysa, sida loo maaraynaayo doorasda madaxweynaha iyo furista ururada siyaasadda, iyadda oo khilaafkaasina u dhaxeeyo xukuumada iyo xisbiyadda mucaardka.

Marka laga tago maqaamka hogaamiyayaasha is haya, oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Waraabe, aan u abaarno shakhisyan dadkan is hayaa, maqaalkana waxaan ku soo qaadan doonaa, qofka uu yahay Muuse Biixi cabdi, iyadda oo labbada kalana aan ku soo qaadan doono maqaalada kan ku xiga.

Muuse Biixi waxa uu halis galin karaa nabada ka jirta Somaliland, marka loo eego xanuunka haya oo la yidhaahdo “Dyslexia”, xanuunkan oo ku dhaca caruurta, hal cunug, shantii cunugba, waxaana loo daaweeyaa si dhib yar, oo ah in dhaqanka ilamaha la toosiyo in waxbarasho ka badan caruurta kale la siiyo, hadii aan yaraanta lagu daaweyna qofka ku keenta dhib balaadhan, dadka caanka ah ee uu ku dhacyana waxaa ka mid ah, Donald Trump, Hitler, Benito Mussolini, iyo askar badan oo caalamkan madax ka noqotay

Calaamadaha xanuunkan waxaa ka mid ah.

. Qofka isku khalda xuruufaha, ayna ku adkaato akhrinta iyo qoritaanku.


. Qofka oo isku khalda xisaabta.

. Xusuustiisa oo gaabata, isaga kaalmo xasuusin ka codsada dadka uu u sheekaynaayo, si uu dhamaystiro sheekada.
. Khubadaha oo ku adag.
.Baqdin La’aan.
.Qofka oo aan qaadan talada dadka, iskuna haysta in uu ka caqli badan yahay.

Iyadda oo uu Muuse qabao dhamaan calamadahan, shacabka Somalilanda wax badan daawadeen isaga oo xisaab isku khalday, iyo marag xusuusin ah oo uu ku caan baxay marka uu khudbadaha jeedinaya, iyo isaga oo wada hadalka ka door bida dagaal, ayaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal oo ay ku moran san yihiin wakhtiga doorashaduna ay qabaan xanuuno kale, oo aan ku soo qaadan doono maqaalada danbe, tan oo macnaheegu yahay in ay suurta gal noqoto fara ka hadal aan laga fiirsanini in uu dhaco.

Related posts

UK Oo Dalkeeda ka Mamnuucday Urur Islaami ah Ee Xamaas.

Heemaall

Dowlada Somaliya Iyo IGAD Oo Heshiis Hor-dhac ah Dhex-dhigtay Beello ku Dagaalamay Hiiraan.

Heemaall

Deni Oo la Kulmay Xubno ka Socda Guddiga Doorashooyinka.(Sawiro)

Heemaall