Heemaal News Network

Muwaadin Norwiij Ah Oo Maxkamada Hargaysa Dil Ku Xukuntay

Maxkamada gobolka waqooyi galbeed ee Somaliland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin soomaali ah oo lagu magacaabo Sacad Jidre, heystana, dhalashada dalka Norway.

Xeer ilaalinta maxkamada Hargeysa ayaa ninkan kusoo oogtay danbi ah inuu dil u geystay nin kale.
Qareenka Sacad oo la hadlay warbaahinta Norway, ayaa sheegay in ninka dilka lagu xukumay uu isgau dhibane ahaa la soo weerarayna. Qareenka ayaa intaa ku daray in kiiskani yahay fadeexad iyo cadaalad darro racfaana ka qaadan doonaan.

Wiilasha uu dhalay Sacad ayaa dawlada Norwey ka codsaday in ay kiiskan gasho iyaga oo codsiga u diray raisal wasaaraha iyo wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaas, kana codsaday in aabahood dib loogu celiyo dalka Norwey.

Dhanka kale xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Norwy oo lagu magacaabo Petter Eide ayaa xukuumada ku eedeeyey in ay ka gaabisay wax ka qabashada kiiskan, balse wasaarada arimaha dibadda ayaa sheegtay in ay si dhow ula socdaan.

Qareen ka mid ah qareenada u doodaaya Sacad Jirde ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland Faroon uu u balan qaaday in aan xukunka dilka lagu fulin doonin dhawaanahan. Qareenka ayaa intaa ku daray inkasta oo uu balanqaadkani jiro, haddana ay dhici karaan wax walba, marka laga hadlayo Somaliland.

Related posts

Taliska Ciidanka Oromiya Oo Sheegay Inay Dileen 142 Qof Oo ka Tirsan Jabahada OLF-Shene

Heemaall

Sacuudiga Oo Beeniyay In Netanyahu Uu la Kulmay Bin Salmaan.

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo ka Hadashay Maalgashiga Turkiga Ee Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More