Heemaal News Network

Muwaadin Soomaliyeed Oo Maanta Lagu Dilay South Afrika.

Tuulada Delft ee ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka South Afrika waxaa xalay lagu dilay allaha u naxariistee C/llaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee halkaas ka shaqeysta.

Wariye ku sugan Cape Town ayaa noo warramay, wuxuun sheegay in muwaadinka la toogtay isla markaana kooxo aan heybtooda la garaneyn oo madow ah ay ku dhufteen 9 xabadood.

Dableyda dilka geystay goobta ayey ka baxsadeen, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno arrinkaan la xiriira, waxaana soo badanaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Waxaa la sheegay in Marxuumka maanta lagu aasi doono qabuuraha Muslimiinta ee ku yaalla magaalada Cape Town.

Inta badan dilalka ka dhaca Koonfur Afrika ee loo geysto Soomaalida, ma ahan kuwa lasii hadal qaado, mana jirto cid isku hawsha iney wax ka qabato.

Related posts

276 Weeararo Cir Iyo Dhul Ah Oo Maamulkii Trump Ka Fuliyey Soomaliya

Heemaal

Dabaylo Xoogleh Oo Ku Dhuftay Xeebaha Jubbaland

Heemaal

Cuqaal si Adag Uga Hadashay Gabadh yar Oo Laga Afduubtay Deegaanka Saylac

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More