Heemaal News Network
somali

Muwaadiniin Somali ah Oo Lagu Dilay Rabshadaha ka Socda Koonfur Afrika.

Waxaa sii xoogeesanaya rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ay dhigayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo dhawaan xabsi la dhigay kadib markii lagu xukumay 15-bilood oo xabsi ah,

Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Kwazulu Natal ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa halka kuwa kalana lagu dhaawacan maanta kaliya.

Inta la xaqiijiyay afar wiil oo Soomaali ah ayaa maanta lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen xili ay kasoo baxsanayeen deegaan ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay afar muwaadin kale oo isbitaal la dhigay.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha nafeed ee Soomaalida kasoo gaaraya rabshadaha ka bilowday qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika oo goobaha ganacsi lagu boobayo sidoo kale dadka lagu dilayo.

Soomaali badan ayaa iska xirtay goobahooda ganacsi iyagoona u cararay goobo ay uga bad baadi karaan rabshadaha socda, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha hada socda kusii faafaan goobo kale oo hada xasiloon.

Related posts

M/Cagjer Oo Salaada Ciida la Tukaday Shacabka Jigjiga Weeraray-na Siyaasiyiinta.

Heemaall

Ukraine: Angela Merkel Oo Baaq U Dirtay Dawlada Ruushka

Heemaal

Rooble Oo Hadhimo Sharafeed Loogu Sameeyay Goobta Dalxiiska Caan ku ah Ee Goobwayn(Sawiro)

Heemaall