Heemaal News Network
Soomaaliya

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo ku Xayirnaa Kenya Oo kasoo Degay Muqdisho

Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku xayirnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ka dib markii duulimaadyadda Soomaaliya iyo Kenya la joojiyay.

Tiradda Muwaadiniinta maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa dhan 114 muwaadin.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa fududeysay Imaanshaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Diyaarad ayaa kasoo qaadey Magaalada Nairobi, islamarkaana keentay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More