Muxuu Ka Yidhi Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame ayaa soodhaweeyay Ra’iisul wasaraaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu kula dar-daarmay Maxamed Xuseen Rooble in waqtiga yare e u harsan dowladda hadda talada haysa uu ku dadaalo sidii dalka horumar u gaarsiin lahaa.

Hoos ka Akriso Qoraaalka CC Shakuur Warsame

Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday.
Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah.

Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay.

Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.

Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibteysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin.

 

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Leave a Comment

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy