Heemaal News Network
Soomaaliya

Nabad-doonkii Lixaad Oo Lagu Xidhay Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa weli ka soconaya hawlgalada lagu soo xir xiraayo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari, ee dhaliilay Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydabood, ka dib markii laga soo qabtay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Boosaaso.

Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood ayaa wuxuu noqonayaa Nabadoonkii lixaad oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay lagu xiro Magaalada Boosaaso.

Xariga Odayaasha Dhaqanka ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii ay Puntland ku dhaliileen in ay heshiisyo la gashay Dowladda Emirate-ka Carabta.
Odayaashan ayaa waxay saluug ka muujiyeen heshiiska shirkaddda DP World iyo Garoonka Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad kale oo laga leeyahay dalkaasi.

Waxaa xusid mudan in axadii Magaalada Boosaaso lagu xiray Siyaasiga Muuse Cali Jaamac, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga garanayo Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Booliska, Maamulka Puntland iyo kan Gobolka Bari ayaan ka hadlin xariga Odayaasha Dhaqanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More