Heemaal News Network
somali

Nabadoon Caan ah Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa Agagaarka Masjidka Turkiga ee Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Oday Nabadoon ahaa, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxaana sidoo kale uu kamid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaannada Golaha Shacanka ee mudada xilgeyntooda ay dhamaatay.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen inay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bustoolado, waxaana Goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, iyo Ehellada Marxuumka, kuwaas oo Goobta ka qaaday Meydka.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Nabadoonka, hayeeshee waxaa horay magaalada Muqdisho Odayaal kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun ku Riday Askar Dil Geysatay

Heemaall

Wafdi Uu Hogaminayay Farmaajo Oo Lagu soo Dhaweeyay Magaaada Addis Ababa.(Sawiro)

Heemaall

Ahlu-Sunna Oo Ciidamo Xoogan Lagu Hareereeyey Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Guriceel.

Heemaall