Heemaal News Network
Soomaaliya

Nabadoon Guddoomiye U Ahaa Garabkii Isbadal-doonka Jubaland Oo Caawa Lagu Toogtay Kismaayo.

Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa caawa lagu weeraray magaalada Kismaayo.

Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ahaa Nabadoon caan ka ah Jubaland ayaa koox hubeesan rasaas ku furay nabadoonka xili uu kusii jeeday Masaajid kuyaala xaafada uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyey in ilaa Afar xabadood ay madaxa kaga dhacday.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa loola cararay isbitaal kuyaala magaalada Kismaayo halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad, lamana oga ilaa hada cida ka dambeesay falkan lagu dhaawacay Nabadoonka.

Nabadood Axmed Jaamac oo kamid ah Nabadoonada caanka ka ah Kismaayo ayaa kamid ahaa Odayaasha kasoo horjeeda Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale Nabadoonka kamid ahaa Hogaanka Kooxda Isbadal doonka ee Musharaxiinta uga dhawaaqeen Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu dhaawacay Nabadoonka, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkan caawa lagu dhaawacay Nabadoon Axmed Jaamac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More