Heemaal News Network
Soomaaliya

Nairobi: Haweeney kasoo Dhacday Ddabaq ku Yaala Xaafada Somalida Islii Oo Geeriyootay(Sawirro)

Haweeney Kenyan ah ayaa Duhurnimadii Maanta kasoo dhacday dabaq dhowr biyaano ka kooban oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Dad ku sugan Kenya ayaa sheegaya in arrintan ay sigaar ah uga dhacday xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Nairobi gaar ahaan halka loo yaaqaano Jaam Street.

Sidoo kale Haweeneyda dabaqa kasoo dhacday ayaa waxa la sheegay inay shaqaale ka aheyd Guri ay deggan yihiin dad Soomaali ah, isla markaana lugta ay ugu baxday Rog ku wareysanaa qeybta dhexe ee dabaqa ay kasoo dhacday.

Haweeneydan Kenyan ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay durbo markii ay dhulka kusoo dhacday ay geeriyootay, waxaana goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Kenya, iyaga oo goobta qaaday Meydka.

Si kastaba kal hore ayaa sidoo oo kale waxaa la sheegay in dabaqa ay kasoo dhacday haweeneyda uu isna kasoo dhacay nin Kenyaan ah oo kamid ahaa shaqaale xiligaas dhismo ka waday dabaqa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More