Heemaal News Network

Natiijadii Imtixaanka Fasalka 8aad Ee Degaanka Somalida Itoobiya Oo Lagu Dhawaaqay.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada ee Dawladda Degaanka Soomaalida Maxamed Faatax ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyay natiijadii imtixaanka fasalka 8aad ee degaanka oo la qaaday 16 Dec. ee sannadkii 2020.

Wasiirka ayaa sheegay in arday gaaraysa 39. 178 arday ay ugudbeen fasalka 9aad, halka aysan gudbin arday dhan 1414 arday oo aan kasoo gudbin fasalkii 8aad.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in imtixaankan fasalka 8aad ay u fadhiisteen arday ka badan 40 kun oo arday guud ahaan Degaanka Soomaalida.

Wasiirka ayaa xusay in iyadoo xaaladdu sidaa tahay la tixgaliyay duruufihii jiray ee dhanka cudurka Covid 19, oo aysan ardaydu soo xaadirin goobhii waxbarashada xanuunkii jiray awgii.

Ardayda ugudubtay fasalka 9aad ayaa goobaha waxbarashada waxay tagi doonaan toddobaadka soo socda sida uu sheegay Wasiirku oo Xafiiskiisa kula hadlayay Warbaahinta.

Related posts

Haayo Umul Ah Iyo Caruur Ay Dhasahay Oo Lagu Dilay Warsheekh

Heemaal

Masaajid loo Dhisayo Muslimiinta Japan Oo Laba-jibbaar Kordhay.

Heemaall

Dr Cilmi Maxamuud: Nama Khusayso Natiijada Ka Soo Baxda Shirka Dhuusamareeb

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More