Heemaal News Network

Netanyahu Oo Kulan Qarsoodi ah la Yeeshay Bin Salmaan-ka Sacuudiga.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu si qarsoodi ah ula kulmay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddib markii uu Axaddii booqasho ku tegay dalkaasi Sacuudiga.

Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warramaysa in kulankaas uu goob joog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

Yoav Galant, wasiirka waxbarashada, oo waraysi siiyey Raadiyowga milatariga Israel ayaa yidhi “xaqiiqada la hubaa waa in kulankaasi dhacay. Waana arin wax ku ool ah xataa hadaan si rasmi ah loo shaacinin.”
Qoraal uu Twitter-ka soo dhigay, la taliyaha Netanyahu (Topaz Luk) ayaa u muuqday in uu sheegayo in kulan uu dhacay balse ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan kulanka Netanyahu iyo Maxamed Bin Salmaan.

Maamulka Trump ayaa isku dayayay in Sucuudiga uu ka dhaadhiciyo inuu heshiis la galo Israa’iil kaddib markii qaar kamid ah dalalka carabta ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil kaas oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Shaaciyay in Alshabaab kula Dagaalantay Hubkii Dowlada Geesay Gedo.

Heemaall

Biden Oo Khaliifay Buttigien Oo Ay Mar Isla Il Darnaayeen

Heemaal

Dad Badan Oo ku Dhintay Rabshado ka Socda Uganda Iyo Milatari la Wareegay Amaanka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More