Heemaal News Network
somali

New Zealand Oo Laga Joojinayo Cabista Sigaarka Iyo Iibka Tubaakada

Dawladda New Zealand ayaa wadaa qorshayaal taxane ah oo looga dan leeyahay sidii sigaar cabista wadanka looga tirtiri lahaa,iyadoo qorshahan ay ku jirto hindise sharci oo mamnuucaya ka ganacsiga tubaakadda.

Marka la eego Qorshaha Dawladdu ugu magac dartay “ Smoke free Aotearoa 2025” waxay Dawladdu qorshaysay in si tartiib tartiib ah u kordhiso da’da sigaar cabista, sharcigan oo ah ugu dambeyntii mid lagaga mamnuucayo iibinta iyo cabista sigaarka qof kasta oo dhashay wixii ka dambeeyay sanadii 2004.

Hindisaha ayaa sidoo kale ku baaqaya in si weyn hoos loogu dhigo heerka maadadda sigaarka ku jirta ee nikotiinka Dawladdu waxay sidoo kale soo dejin doontaa qiimeyaasha dhammaan waxyaabaha tubaakadda laga sameeyo.

Sida magaca qorshaha ka muuqata, ujeedku waa in laga joojiyo isticmaalka Sigaarka dalka dhowrka sano ee soo socda, Wasaaradda Caafimaadka ee dalku waxay sharraxday in iyadoo heerarka sigaar cab ku hoos u dhaceen muddooyinkii la soo dhaafay. Haddana loo baahan yahay shqooyin dheerad ah si looga midho dhaliyo qorshahan.

Related posts

Dawlada Fadaralka Oo War kasoo Saartay Go’aanka Kenya ay ku Fasaxday Duulimaadyada Somaliya.

Heemaall

Somaliya iyo Kenya Oo ku Heshiiyay Hagaajinta Xiriirkii Xumaaday.

Heemaall

Madaxtooyada Somaliland Oo Geel ku Wareejiyey Isbitaalka Iyo Jeelka Borama

Heemaall