Heemaal News Network
Caalamka

Nigeria: Dhimasho Ka Dhalatay Masjid La Isku Qarxiyay

Shan qof ayaa ku dhimatay weerar Axadii lagu qaaday masaajid ku yaal magaalada Gwoza ee gobolka waqooyi-bari ee Borno ee dalka Nigeria.

Laba ismiidaamiyayaal ah iyo laba dhibane ayaa isla goobta ku dhintey, halka dhibane shanaad uu dhintay isagoo la daawaynayo.

Sagaal qof oo kale ayaa dhaawacyadooda laga dabiibayaa, sida uu sheegay shaqaale samafal oo ku sugan dagaankaas.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in labada qof ee is qarxiyay ay ahaayeen haween.

Warbixinno horudhac ah ee la baahiyay ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah ismiidaamiyayashu ay ku carartay gudaha masjidka oo salaadii subax lagu tukunayay, halka uu kan labaadna isqarxiyay markii gurmadku yimid.

Ma cada in is miidaamiyayaashu ay gudaha u galeen masjidka iyo in ay barxada isku qarxiyeen, mana jirto ilaa hada koox sheegatay falkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More