Heemaal News Network
Caalamka

Nigeria: Haween Ka Mudaharaaday Dilal Qorshaysan Oo Dumar Loo Gaystay.

Haweenka Nigeria ayaa isku soo bax ka sameeyay magaalada dekeda ah Port Harcourt. Waxana ay socod ku mareen bartamaha magaalada iyaga oo markaas dabanaya in xukuumadu ay sugto amniga dumarka, waxana uu mudaharaadkan dhacay waqti uu soo ifbaxay dilalka xidhiidh ah oo haween loogu gaystay magaalada saliida qaniga ku ah ee dalkaasi Nigeria.

Mudaharaadkan ayaa waxa soo qaban qaabiyay 60 urur haween oo ka dhisan degaankaas, kaas oo haweenka ugu baaqay inay mideeyaan codkooda, xukuumadana cadaasis ku saaaran in masuuliyad dheeraad ah ay iska saarto badqabkooga.

Haweenka mudaharaadaya ayaa ku dhawaaqayay kalmada “iwe”, oo macnaheedu yahay “xanaaq”, taas oo muujinaysa sida ay uga cadhoodeen wararka dilalkan la xidhiidha, waxana mid ka mid ah haweenka mudaharaadka ka qayb qaadanayay ay tidhi “Haweenka ku nool magaaldan Port Harcourt haatan ma dareemayaan nabadgelyo. Waxaan codsaneynaa badbaado. ”

Ugu yaraan sideed haween ah ayaa si isku mid ah loo dilay, maydoonana laga helay hoteelo kala duwan oo ku caasimadda gobolka koonfurta dhaca ee Rivers tan iyo bishii Luulyo.

Booliisku waxay kiisakan u xidheen laba qof oo loo malaynayo inay ku lug leeyihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More