Heemaal News Network
somali

Nin Beesha Habar Gidir Ah Oo ka Mid Noqday Xildhibaan loo Doortay Wakiilada Somaliland.

Nin kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa la sheegay inuu xildhibaan ka noqday Somaliland, iyadoo ay weli soo baxayaan Natiijooyinka Doorashadii Goleyaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Maamulkaas

Wararka ayaa sheegaya in Mudane Qaasim Aadan Saleebaan oo kasoo jeeda Jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir loo dortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiila ee Baarlamaanka Somaliland.

Musharaxan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa laga soo doortay Gobolka Sool, waxaana halkaasi si weyn u dega beesha uu kasoo jeedo.

Aadan Qaasim ayaa dhowaan lagu xiray Magaalada Hargeysa, wuxuuna xarigiisa ku tilmaamay mid sharci darro ah oo siyaasadeysan oo ay ka dambeeyeen madaxda xisbiga Kulmiye.

Related posts

Puntland Oo Hakad Galisay Isku Socodka Gobolada Bari Iyo Nugaaal

Heemaal

Xamaas Oo Shuruud Ku Xidhay Israa’iil

Heemaal

Dhaawacyada Duqeymo Kenya ka Geysteen Gobolka Gedo Oo Muqdisho la Keenay

Heemaall