Heemaal News Network

Nin Hooyadiis ku Dilay Muqdisho Oo Isna Toogasho Lagu Dilay.

Dhacdo aad u murugo badan ayaa ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii wiil lagu magacaabo Cabsiiye Caddaan uu hooyadiis oo 70 sano jir aheyd si xun u dilay, isla markaana dhaawacay walaalkiis la dhashay iyo wiil kale oo qaraabo ahaayeen.

Cabsiiye ayaa dilka hooyadiis u adeegsaday tooreey kuna dhaawacay walaalkiis iyo wiilka kale ee qaraabada yihiin, kadib markii ay ku murmeen dhaxal dhul oo uu doonayay Cabsiiye in la iibiyo.

Markii uu falkaasi dilka iyo dhaawaca isugu jira geystay Cabsiiye ayaa waxaa goobta yimid ciidamada booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo qeybaha danbe ee lugta kaga toogteen markii uu diiday inuu dhigo mindidada uu hooyadiis ku dilay kuna dhaawacay walaalahiis.

Dhaawac soo gaaray kadib ayaa loola cararay isbitaal Keysaney hase ahaatee saacad kadib ayuu ku geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in marxuumka dilay hooyadiis uu ahaa qof isticmaalayay balwadaha maandooriyaha maskaxda dooriya isticmaalay xiligaasi.

Falalka noocaan ah ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayay guud ahaan dalka Somalia.

Related posts

Tirinta Codadka Doorashada Uganda Oo Bilaabatay.

Heemaall

Rag Lala Xiriirinayo Qaraxii Gaalkacayo Ee Lagu Dilay Saraakiisha Oo la Qabtay.

Heemaall

Shiidaalka Soomaaliya Ma 4.5 Ayaa Loo Qaybsanayaa Dhaqaalaha Ka Soo Baxa?

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More