Nin Maskaxda Ka Xanuunsanaya Oo Wiil Uu Dhalay Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Nin loo malaynayo in uu maskaxda wax ka qabo ayaa wiil uu dhalay xalay toori ku dulay, waxana falkan argagaxa leh uu ka dhaxay Xaafada Kaawo-goday ee magaalada Muqdisho

“Ninkaan wuu xanuunsanaa muddo ayuu xirnaa Banaanka guriga ayuuna ku xirnaa, laakiin saaka afar saac ayuu meeshii uu ku xirnaa ka soo fakaday tooreyda nooca hilibka lagu qalo, ayuu soo qaatay markii uu guriga soo galay wuxuu caloosha ka galiyay walaalkiisa, kadibna qoorta ayuu kaga dhuftay tooreyda sidaas ayuuna ku dhintay.” Ayuu yiri qof ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ninka madaxa looga jiray ee dilay Walaalkiis ayaa la sheegay in uu baxsaday, waxaana ciidamada booliiska degmada Dharkeenley wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan ninka dilka geestay.

Dilalka argagaxa leh ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmo kahor sidan oo kale magaalada Muqdisho uga dhacay dil ay isku geesteen labo nin oo walaalo ahaa , dilkaas ayaa isna loo adeegsaday toorey.