Heemaal News Network

Nin Mindi ku Hubaysnaa Oo Dad Badan ku Laayay Shiinaha.

Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhasheen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalo lagu magacaabo Kaiyuan, oo katirsan gobolka Liaoning ee dalka Shiinaha.

Ninka mindi ku hubeesanaa ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen dad badan, waxaana la xaqiijiyay in ninkaasi weerarka tooreyda uu u adeegsaday ku dilay 7 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Ciidamada booliiska Shiinaha oo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan ninkii weerarka geestay, walina lama oga sababta weerarkan uu salka ku hayo iyo shaqsiyada ninka fuliyay.

Weerarkan ka dhacay dalka Shiinaha ayaa dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay waxaa ku jira sargaal booliis oo isku dayay in uu kahor tago ninka weerarka geestay, waxaana dadka lagu dilay weerarka ku mid ah haween iyo dhalinyaro.

Dalka Shiinaha waxaa inta badan looga baran in ay ka dhacaan weerarada nuucaan ah, waxaana weerarada tooreyda loo adeegsado fuliya inta badan dad la sheegay in dhimirka ka xanuunsan yihiin.

Related posts

Amaanka Washington Oo Aad loo Adkeeyay Iyo Ciidamada Qaranka..(Sawirro)

Heemaall

War Laga soo Saaray Kulan Dhexmaray Abiy Iyo Ergo ka Socotay Midowga Afrika.(Sawiro)

Heemaall

Soomaali Lagu Dilay Sweden

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More