Nin Mudo 36 Sano Ah Dhisayay Kanaal-biyood Ay Tuuladiisu U Baahnayd

Ninkan oo magaciisu yahay Mai Xhiu waxa markii ay da’diisu ahayd 50 jirka uu bilaabay in uu Dhuun biyo mareen ah oo ay biyaha ka cabaan dadka ku dhaqan tuuladiisa la yidhaa Guizhou oo ku taala koonfur-galbeed ee dalkaasi Shiinaha.

Mudo 36 sano ah ayaa waxa uu ku dhisay biyo mareen uu dhererkiisu dhan yahay 9400 oo mitir, kaasi oo biyaha ka keena dhul dooxyo ah una soo talaabiya tuulaas oo ku taal dhul buuralay ah, waxana la sheegay in Mudadaas 36ka sano ah ee uu hawshan gacanta ku hayay ninkani ay kala qayb qaateen 300 oo qof oo dadka tuulada ah, balse inta badan hawshaas uu kaligii qabtay