Heemaal News Network
somali

Nin Tiktok ku Baahiyay Isagoo Gubaya Calanka Jabuuti Oo Xabsiga la Dhigay.

Booliska Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay nin loo heysto inuu gubay calanka dalkaas oo muuqaal laga soo duubay lagu baahiyey barta Tiktok.

Ninkan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay intii uu gubayey calanka ku dhawaaqayey ereyo uu aflagaado iyo qabyaalad salka ku heysa taasoo dad badan ka careysiisay.

Booliska oo sameeyey baaritaan dabagal ayaa ugu dambeyn ninkan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada 1aad ee magaalada Jabuuti

Qoyska ninkan uu ka soo jeedo ayaa ku andacooday in sababta uu calanka u gubay ay tahay isagoo la ildaran xanuuno dhinaca dhimirka ah.hase ahaatee waxaa arrintaas ku gacan seyray booliska.

“Nasiib darro, maadaama uusan heysanin qoraal cadeynaya inuu dhimirka ka xanuunsan yahay, cudurdaar uma noqonayso tallaabadii uu ku gubay kuna aflagaadeeyay calanka dalka iyo hurinta qabyaaladeed” ayaa lagu yiri qoraal ka sopo baxay Booliska

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney maxkamad soo taagi doonaan ninkan maalinta beri ah, si uu uga jawaabo falka uu ku kacay.

Related posts

RW Rooble Oo la Kulmay Gudiga Qiimaynta Doorashada Garbahaarey.

Heemaall

Sababta Dowladda Qatar U Xirtay Nin Kenyan ah Oo la Shaaciyay

Heemaall

Ruushka Oo Codka Diidmada Qayaxan Dul Dhigay Soojeedin Ka Timid Norwey Iyo Ireland

Heemaal