Heemaal News Network
Caalamka Soomaaliya

Nin Xasuuq Rwanda loo Haystay Oo la La’aa Oo Haraaga Maydkiisa la Helay.

Dacwad oogaha dambiyada dagaalka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in uu dhintay nin kamid ah dadkii sida weyn loogu eedeeyay xasuuqii ka dhacay Rwanda.

Bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dheecaanka hide-sidaha la qaaday uu muujinayo in haraaga meydka laga helay qabuuro ku yaalla Congo-Brazzaville uu yahay Augustin Bizimana

Augustin Bizimana wuxuu ahaa wasiirkii gaashaandhigga Rwanda markii uu dhacayay xasuuqii 1994-tii.

Toddobaadki lasoo dhaafay waxaa Faransiiska lagu qabtay Félicien Kabuga, oo ku jiray diwaanka eedeysanayaasha aadka loo doon-doonyay doorkii ay ku lahaayeen xasuuqii Rwanda .

Afar sanno kaddib waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa xasuuqa.

Waxaan lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilkii loo geystay ra’iisul wasaarihii dalkaas Agathe Uwilingiyimana iyo 10 kamid ah ciidammadii Belgium ee Qaramada Midoobey ka socday ee nabad ilaalinta uu joogay Rwanda.

Waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inuu abaabulayay weeraradii lagu laayay shacab badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Tutsi.

Markii laisu barbardhigay dheecaanka Hide-sidaha, xafiiska dacwad oogaha dambiyada dagaalka ee Qaramada Midoobey wuxuu xaqiijinayaa in Augustin Bizimana uu geeriyooday tan iyo sannadkii 2000.

Wuxuu intaas ku daray in weli lagu raad joogo lix qof oo kale baxsad ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xasuuqii Rwanda.
Xigasho Bbc

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More