Heemaal News Network

Ninkii ka Dambeeyey Qaraxii ka Dhacay Degmada Xamar-weye Oo Gacanta lagu Dhigay

Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne.

Cali Yare Cali ayaa sheegay in Nin watay jaakad waxyaabaha Qarxa ku xirneyd ay markii hore shacabka ka shakiyeen, isla markaana uu tuuray Jaakada Qaraxday xili ay ceyrsanayeen ciidamada amaanka oo lagu wargeliyey.

Jaakada la tuuray ayuu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka inay ku qaraxday meel cidlo ah oo ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne.

Cali Yare ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Booliska, isla markaana uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay qof laga shakisan yahay inuu watay qaraxaas.

Related posts

Xassan Maxamuud: Soomaliya Waxaa Qabsaday Jabhado”Qofka Hargaysa Tagayaa Waa In Uu Is Dhiibo”

Heemaal

Maxkamada Ciidamada Oo Amartay in Lasoo Xiro Kooxihii Shacabka ku Dishay Galgaduud

Heemaall

Dowlada Somaliya Oo Nairobi ku Tilmaantay Meel Looga soo Duulo Dalka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More