Heemaal News Network
somali

Ninkii Macron Dharbaaxay Oo Maxkamad lasoo Taagay.(Sawiro)

Damien Tarel oo ah Ninka ku eedeysan inuu goob fagaare ah ku dharbaaxay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, ayaa la horgeeyay maxkamad

Ninkan oo 28 sano jir ah, ayaa maxkamadda ka hor qirtay inuu Macron dharbaaxay, wuxuuna ficilkaas ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uusan horey u soo qorsheynin.

Wuxuu tilmaamay in dhacdada ay ka dhalatay hoos u dhaca Faransiiska ku yimid, sida uu maxkamadda ka hor sheegay.

Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa codsaday in ninka oo lagu magacaabo Damien Tarel, lagu xukumo 18 bilood oo xabsi ah, wuxuuna dharbaaxada ku tilmaamay ficil rabsho oo si ulakac ah loo sameeyay

Waaxda dacwadda ku oogeysa ninkan ayaa ku adkeysaneysa inuu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaqdhaqaaqa Yellow-vest.

Madaxweynaha Faransiiska markii la dharbaaxayay wuxuu ka soo baxay iskuul ku yaalla magaalada Waqooyiga-Bari ee Tain-l’Hermitage, ka dib ayuu ku leexday dad banaanka ku sugnaa oo lagu celiyay xeyndaab gaaban oo bir ah.

Related posts

Golaha Ammaanka Oo Cambaareeyay Tallaabo Uu Qaaday Turkiga.

Heemaall

Mareykanka Oo Madaxda Tigrey ku Amray Inay Qaataan Xabad joojinta Itoobiya ku Dhawaaqday.

Heemaall

Gudiga Doorashooyinka Deegaanka Somalida Oo Shaaciyay In Awoododii Ay ka Wareegeen Gudiga Fadaral Itoobiya.

Heemaall