Heemaal News Network

NISA Oo La Wareegtay Xarunta TV-ga Somalicable

Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inays I sharci darro ah ku galeen Xarunta Telefeshinka Somali Cable oo ku taal meel u dhow Isgoyska Boondheere dhinaca degmada Warta-nabadda.

Sida lagu daabacay Bogga uu Telefeshinka ku leeyahay Barta Facebook Ciidamada ayaa ka tirsan kuwa degan Godka Jilacow, waxaana ay kaxeysteen laba kamid ah Shaqaalaha oo kala ah Sayid Cali oo Cameraman ah iyo Darawalka TV-ga.

Sidoo kale Maamulka Tv-ga Somali Cable waxaa ay sheegeen in Ciidanka NISA ay Bistoolado ku qabteen Shaqaale ka tirsan Telefeshinka, isla markaana aan la ogeyn sababta.

Waana markii 2-aad oo Ciidamada Nisa ay gudaha u galaan Xarunta Somali Cable, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dib loo siidaayay labada kamid ah shaqaalaha oo ay ciidamada kaxeysteen.

Related posts

Borama:-Ramaax Oo Weeraray Xukuumada Biixi Saluugay-na Waqtiga Diwaangalinta loo Qoondeeyay

Heemaall

Madaxwaynha Ismaamulka Tigrey Oo ka Hadlay Weerarkii ay ku Qaadeen Asmara.

Heemaall

Guriga Safiirka Mareykanka Ee Israel Oo Qorshe Siyaasadeed loo Iibiyey.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More