Heemaal News Network
somali

NISA Oo Qbatay Shabakad Ka Tirsan Alshabaab Iyo Hubkoodii

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab gacanta ku dhigtay, kadib howlgal habeen hore ay ka sameysay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaarada warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ragan, hub iyo rasaas ay wateen laga qabay saddex guri oo kala duwan oo ay daganaayeen, isla markaana la fashililyay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan, kaas oo ay ka war heshay NISA.
“Ciidamada ayaa burburiyay shabakadan Al-shabaab oo qorsheynayay falal argagixisanimo oo ay ku doonayaan inay ku qalqal galiyaan caasimadda, islamarkaana ay shacabka ku dhibaateeyaan” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

“Argagaxisada la qabtay ayaa isugu jira koox dhagar qabayaal ah oo loo diyaariyay in ay beegsadaan dadka aan waxba galabsan ee Muqdisho, dhaqaatiir loo diyaariyay in ay daaweeyaan maleeshiyaadka iyo kuwa kale oo u fududeeyay argagixisadda hooy iyo gaadiid” ayuu raaciyay bayaankan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ‘ka go’an ciribtirka argagixisada’ iyada oo uga mahadcelineysay shacabka Soomaaliyeed xogta ay la wadaageen, waxayna ugu baaqday ‘dhalinyarada ay marin habaabiyeen argagixisadu’ inay dowladda isu soo dhiibaan.

Related posts

Saif Al Islam Al Qadaafi Oo Doonaya In Uu Noqdo Madaxweynaha Dalka Liibiya

Heemaal

Booliska Minneapolis Oo Toogasho ku Dilay Nin Hubeysnaa

Heemaall

Baydhabo Oo Lagu Xir-xiray Siyaasiyiin Dhaliilay Siyaasada Madaxwayne Laftagareen.

Heemaall