Heemaal News Network
somali

NISA Oo Shaacisay in la Dilay Labo Sargaal Oo Qartaxyada Muqdisho U Qaabilsanaa Alshabaab.

War kasoo baxay taliska hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la dilay labo sargaal oo Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir gaar ahaan dhinaca qaraxyada iyo miinooyinka.

Hay’adda NISA warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose lagu dilay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Bariire.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir iyo lix dagaalyahan oo kale geeriyoodeen kadib markii miino ay kasoo qaadeen Tooro-toorow kula qaraxday Basra taariikhdu marka aheyd 28-03-2021.

Warkan kasoo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho kusoo bateen qaraxyada Al Shabaab geestaan, mana jiro war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan geerida saraakiishan la sheegay.

Related posts

Dawlada Fadaraalka Soomaali Oo Si Adag Uga Jawaabtay Baaqa Beesha Caalamka

Heemaal

M/Deni Oo Garowe ku Qaabilay Wafdi ka Socday Qaramada Midoobay

Heemaall

Booliska Yuhuuda Oo Weerar Ku Qaaday Masaajidka Barakaysan Dadna Ku Laayey

Heemaal