Dab Xoogan Oo Ka Kacay Qayb Ka Mid Ah Dekeda Berbera

Dab ayaa goor dhaweyd fiidkii, bacda afurkii waxaa uu ka kacay qeybo ka mid ah Dekedda magaalada Berbera, waxaana uu dabkani ka bilowdey hal Kontiindher oo sida la sheegay siday AYSIIDH iyo Daawooyin.

Dabkan markii uu bilowdey waxaaa qiiq iyo uuro casi ay isku xidhay guud ahaan jawigii magaalada Berbera taas oo ay bulshadu argagax ku riday.

Balse nasiib wanaag dabkan ayaan ku sii faafin qeybaha kala duwan ee dekedda oo waxaa la xakameeyey cabaar ka dib, waxaana ciidanka Damdamiska dawladda Hoose markii ay goobta yimadeen u suurto gali weyday in ay dabkaasi damiyaan ka dib markii ay ku neef qabimoobeen, balse markii danbe xal u halay.

Sidoo kale waxaa dabkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha haamaha shidaalka Berbera oo isagu ula soo gurmadey qalabka Damdamiska ee budada ah kaas oo hadda caafimaadkaasa lagula tacaalayo.

Dhinca kale ciidamada ammaanka ayaa saxafada u diiday isla markaana ka hor istaagey in gudaha u galaan dekadda.