Heemaal News Network
somali

Ololaha Doorashada Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Oo ka Bilowday Somaliland.

Ololaha doorashada baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan degaannada la Magacc baxay Soomaliland.

Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta billaabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba labo maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku bilaabmay ololaha xisbiga UCID wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah.

Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Related posts

Booliska Fadaraalka Itoobiya Oo Dhoolatus ku Sameeyay Addis Ababa.

Heemaall

“Waa Handaraab Iyo Lacabuu Bixinaya kala Daa”Cukuse Oo M/Biixi ka Difaacay Eedeymo Uga Yimid X/Wadani.

Heemaall

Dooxa Hargaysa Oo Qaaday Baabuur Badan.

Heemaall