Heemaal News Network
somali

ONLF Oo si Kulul Uga Jawaabtay Eedeymo Uga Yimid Madaxweyne Cagjar.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaaddir Xasan Hirmooge, caddaani ayaa ka falceliay hadalka Madaxeynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ku duray ururada mucaaradka deegaankaasi, waxaana uu afhayeenku sheegay in Maamulka Cagjer uu fashilmay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in Shacabka dowlad degaanka aysan helin adeegyada ay u baahan yihiin xilli Canshuur laga qaado.

Madaxeynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa ururada mucaaradka deegaankaasi ku eedeeyay in ay hayso fahan daro siyaasadeed, xilli doorashada dalka ay ka harsantahay muddo labo todobaad ka yar.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta ururada siyaasada eedeeyay mar uu ka hadlayay munaasabad xarigga looga jarayay isla markaana lagu dhagax dhigayay wadooyin cusub oo laga hirgalinayo caasimadda deegaanka ee jigjiga.

Hadalkiisa ayaa imaanaya, iyadoo xukuumadda iyo ururada siyaasaddu ay isku hayaan sidii cid waliba ay u kasban lahayn kalsoonida dadka codbixiyeyaasha ahi ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay.

Related posts

Beelaha Xeeb-jire Oo Isku Raacay Murashaxiinta Uga Sharaxan Xisbiga Kulmiye.

Heemaall

Madaxweyne Farmaajo Oo Deg-deg U Taageeray Qaraarkii Ay Ansixiyeen Golaha Shacabka.

Heemaall

Salal Jaarati Oo Lagu Wareejiyay Agabka Naafada Oo Uga Timid Jaaliyada Otawa Ee Canada

Heemaall