Heemaal News Network
cayaaraha

Ousmane Dembele Oo Guul Ku Hogaamiyey Barcelona

Gool soo daahay uu dhaliyay Ousmane Dembele waqtigii dhimashada ciyaarta ayay Barcelona kaga badisay Real Valladolid oo marti ku aheyd Camp Nou islamarkaana 10 xiddig ku ciyaareysay 10kii daqiiqo ee ugu danbeeyay markii casaan laga qaatay.

Blaugrana oo fursado badan heshay ayaa jahwareer kala kulantay Valladolid ilaa daqiiqadii 90aad markaasoo kooxda martida aheyd uu xiddig ka maqnaa, iyadoo Dembele uu dhaliyay goolka guusha.

Natiijadaana aya ka dhigan in Barcelona ay hal dhibic kaliya u jirto kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga iyagoo leh 65 dhibcood ka dib 29 kulan oo la ciyaaray horyaalka, waxayna labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Los Blancos.
Real Valladolid ayaa ku qeybtii hore ee ciyaarta ku guuleysatay inay hakiso weeraradii isdaba jooga ahaa ee Messi iyo asxaabtiisa iyadoo Barcelona ay ku guuldareysatay inay ka faa’ideysato fursadihii ay heleen Dembele iyo Messi.

Related posts

Yoane Wissa Oo Gurigiisa Lagu Weeraray Aasiidhna Wajiga Lagaga Daadiyey

Heemaal

Dhakhaatiir Loo Maxkamadaynaayo Dhimashadii Maradoona

Heemaal

Cayraatii U Dhaxaysay barazil Iyo Argantin Oo Ku Dhamaatay Shan Daqiiqo

Heemaal