Paris:-Weerar ka Dhacay Meel U Dhaw Wargeyskii Lagu Aflagaadeeyay Nabiga NNKH.(Sawiro)

Weerar khasaaro dhaliyay oo loo adeeegsaday baangad iyo mindi ayaa ka dhacay Magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska, gaar ahaan meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyskii Charlie Hebdo, ee baahiyay sawir lagu aflagaadeeyay NNKH.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay afar qof oo la sheegay in ay ku jiraan labo suxufi, waxaana war kasoo baxay booliiska lagu sheegay in dadka weerarka ku dhaawacmay labo kamid ah ku jiraan xaalad halis ah.

Ciidamada booliiska ayaana gacanta ku dhigay labo qof oo looga shakiyay in weerarkaan ka dambeeyeen, dadka weerarkan loo xiray ayaana booliisku sheegeen in dharkooda lagu arkay dhiig .

Goobta weerarku ka dhacay ayaa lagu daadiyay ciidamo badan oo booliis ah, waxaa sidoo kale la xiray iskuulo iyo xarumo kale oo kuyaala aaga weerarku ka dhacay oo laga cabsaday in weeraro lagu qaado.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xili magaalada Paris ka socoto maxkamadeynta dad loo heesto in ay wax ka maleegeen weerar 2015-kii lagu qaaday xarunta waregyskii loo haystay inuu sawir gacmeed ka sameeyay Nabiga (NNKH) ee Charlie Hebdo.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy