Heemaal News Network
cayaaraha

Pele Iyo Neymar Oo Ka Dhiidhiyey Cunsuriyadda Lagula Kacay Vinicius

Halyeeyga ree Brazil ee Pele iyo hoggaamiyaha haatan ee xulkaas ee Neymar ayaa kamida dad aad u tiro badan oo is garab taagay garabka kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr oo cunsuriyad lagula kacay.

Pedro Bravo oo ah madaxweynaha xidhiidhka wakiilada Spain ayaa kaddib kulankii Real Madrid ay 4-1 uga adkaatay Real Mallorca u sheegay Vinicius Jr inuu joojiyo qoob ka ciyaarka uu ku dabaaldego oo uu ku sifeeyay midka “Daanyeerka”.

Bravo ayaa hadalkaas yidhi isaga oo qaab toos ah uga soo muuqanayay muuqbaahiyaha El Chiringuito kahor inta uusan soo saarin warbixin uu ku sheegayo in la qalad fahmay oo uu raali-gelin bixinayo.
“Waa inaad adigu (Vinicius) ixtiraamto kooxda kaasoo horjeeda, haddii aad doonayso inaay qoob-ka-cayaarto ku laabo Brazil, Spain markaad joogto waa inaad kooxda kaasoo horjeeda ixtiraamto oo aad joojiyo ciyaarta daanyeerka” ayuu yidhi Bravo markaas.

Intaas kaddib Neymar ayaa Twitter-kiisa soo dhigay qoraal kooban oo uu Vini ugu hiilinayo, sidoo kale Raphinha iyo Thiago Silva ayaa kamid ah xiddigaha ree Brazil ee taageerada u muujiyay Vinicius iyaga oo u sheegay inay kubadda cagtu tahay farxad oo uu sii wado madadaalintiisa.

Neymar ayaa yidhi “Goysmo samee, qoob ka ciyaar oo naftaada ahaw, ku faraxsanaw cida aad tahay, halka ugu sarreysa gaadh saaxiibkayoow. goolkaaga xiga marka aad dhaliso waynu jaasi doonaa”.

Dhinaciisa halyeey Pele ayaa yidhi “Kubadda cagtu waa farxad, waa qoob ka ciyaar iyo xaflad. Walow cunsuriyadu wali jirto uma ogolaan doono inay naga hor istaagto inaanu dhoola-caddaynta sii wadno”

Shaqsiga ugu horreynba keenay inuu wax ka sheego dabaaldega Vini ayaa ah kabtanka Atletico Madrid ee Koke oo sheegay inuu dhibaatooyin kala kulmi doono haddii uu sidaas ku sameeyo kulankooda habeen dambe taas oo xiiso ba’an usii yeelaysa ciyaarta.

Related posts

Paul Pogba Oo Ka Huleelay Man United

Heemaal

Real Madrid Oo Cashar Lama IloobaanAh U Dhigtay Liverpool

Heemaal

Lionel Messi Oo Markii Toddobaad Ku Guulaystay Billada Ballon d’Or

Heemaal