π£ βπ π€π’π―βπ΅ πΈπ’πͺπ΅ π΅π° πΈπ¦π’π³ π΅π©πͺπ΄ π«π¦π³π΄π¦πΊ. ππ¨π’πͺπ―!β π pic.twitter.com/5s2HSDy3eO
β JuventusFC (@juventusfcen) July 8, 2022
Xiddigii hore ee Manchester United ayaa ka degay Juventus isagoo tijaabada caafimaadka u maraya kooxda ugu guulaha badan horyaalka Serie A ka hor inta uusan dib ugu laabanin kooxdiisii hore.
Pogba ayaa markii uu ka degay Turin wuxuu muuqaal uu duubay ku sheegay inuusan sugi karin inuu mar kale xirto maaliyada cadaanka iyo madowga ee Juventus.
Pogba ayaa dib ugu laabanaya kooxda horyaalka Serie A ka dhisan isagoo weliba xor ah ka dib markii uu ka tagay Man United oo uu joogay lixdii sannadood ee ugu danbeysay.
Pogba ayaa isku bedbedelaya labada kooxood ee Man United iyo Juve, waxaa la xusuustaa markii uu daβ yaraa inuu si xor ah uga tagay Man United isagoo ku biiray Bianconeri oo koobab badan uu la qaaday.
Ka dib wuxuu lacag markaas aheyd rikoodhka adduunka ugu soo laabtay Manchester United, balse wuxuu ku guuldareystay in qaab ciyaareedkii Juve oo kale uu ku soo bandhigo Old Trafford.
Lix sannadood ka dib wuxuu mar kale si xor ah ugu biirayaa Juventus isagoo rajo ka qaba inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii hore.
Ka dib markii uu ka degay diyaarada wuxuu Pogba yiri: βHagaag, waan soo laabtay. Waan imid. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay. Ma sugi karo inaan shaqo bilaabo oo aan xirto maaliyada Juventus mar kale. Mar kale!.β